Supercomputer oo saadaal cusub ka sameeyey horyaalka Premier League ee Ingriiska...


Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib kulamadii lixaad ee la ciyaaray toddobaad, iyadoo dhamaadka usbuucanna ay kooxuhu isku diyaarinayaan tartanka Carabao Cup oo waqti horeba ay kooxaha qaarkood ka quusanayaan qaar ka mid ah tartamada maxalliga ah.

Manchester United iyo Chelsea ayaa mar kale ah kooxaha uu Supercomputer niyad-jabka ku riday, inkasta oo Red Devils ay usbuucan heshay saddex dhibcood oo ay si dhib badan kaga qaadatay Bunley oo nasiibku diiday.  Supercomputer ayaa saadaashiisa ku bineeya in 100,000 jeer uu wareejiyo xisaabaad uu adeegsado oo ku sallaysan natiijooyinka ay naadiyadu ka keeneen kulamadii hore, iyadoo sidoo kalena uu eegayo sida ay u ciyaareen iyo saansaantooda guuleed ee waqtigan.

Inkasta oo ay Burnley saddex dhibcood ka heleen, haddana Supercomputer waxa uu u sheegay Manchester United in ay kaalinta lixaad ku dhamaysan doonto xilli-ciyaareedkan oo ay ka maqnaan doonto tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa sidoo kale heshay saadaal ka nixinaysa kaddib laba ciyaarood oo ay min laba dhibcood lumiyeen, taas oo ay ugu dambaysay Tottenham oo ay Axaddii isku barbar-dhaceen garoonka Emirates Stadium.

Liverpool ayaa noqon doonta kooxda horyaalka kula tartamaysa Manchester City ama ugu soo dhowaanaysa, balse Jurgen Klopp ma awoodi doono in uu hanashada horyaalka ka joojiyo Pep Guardiola oo ay kooxdiisu markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonto.

Manchester City ayaa waxa afarta sare ku wehelin doona Liverpool oo booska labaad ka riixanaysa Arsenal oo saddexaad noqonaysa iyo Newcastle oo xasuuqii ay u geysatay Sheffield United ay sababayso inay kaalinta afraad ku dhamaystaan.

Saddexda kooxood ee Sheffield United, Luton iyo Burnley ayaa dib ugu noqon doona heerka labaad, sida ay sheegayso saadaasha Supercomputer, iyadoo liiska naadiyada ka dhacaya sallaanka Premier League laga saaray Everton oo ku jirtay saadaashii hore ee Supercomputer.

 Sawirka hoose ka muuqda ayaad kaga bogan kartaa.


 

 


Share this

Related Posts

Previous
Next Post »