[Radio CRC].
Xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga, oo 26 sanno jir ah, ayaa ka mid ah bartimaamedyada ugu sareysa ee Pep Guardiola xagaagan,
2)Pep Guardiola ayaa doonaya inuu Toni Kroos u keeno Manchester City xagaagan, isagoo isku dayaya inuu dhiso koox ka ciyaari karta tartanka Champions League, sida laga soo xigtay [Don Balon].
Tababaraha ayaa si wacan u yaqaan khadka dhexe ka ciyaara waqtigiisii Bayern Munich, lakiin waxa uu tartan kula jiraa tababarihii hore ee Real Madrid Jose Mourinho, kaasoo jeclaan lahaa inuu keeno Jarmalka Manchester United.
3)Mustaqbalka Andrés Iniesta ayaa maanta ku soo biiray warar sheegaya inuu ka fiirsanayo doorka tababarnimo ee kooxda Manchester City inuu ku bedelo Mikel Arteta. [Yahoo Sports]
4)Man City Oo Dooneysa Inay Xagaaga La Soo Wareegto hazard
Manchester City ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto Eden Hazard hadii xiddiga reer Belgium uu go'aansado inuu ka tago Chelsea xagaaga, sida laga soo xigtay The Sun.
Blues ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedkaan 2017-18, Hazard ayaana la fahamsan yahay inuu sugi doono maal gashiga kooxda ee xagaagaan ka hor inta uusan go'aan ka gaarin mustaqbalkiisa.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Pep Guardiola ayaa dooneysa inay xoojiso tartanka iyagoo aan ka walwalsaneyn inay dalab ka gudbiyaan £ 100 million ($ 135m) haddii Hazard uu diyaar u yahay. City ayaa sidoo kale diyaar u ah inay u dhiganto mushaharkiisa £ 300,000 todobaadkii.