KULANKA MAN CITY IYO NEWCASTLE UNITED

 


kooxda Man City ayaa la ciyaar doonta Newcastle United maalinta arbacada ah kulan ka tirsan Carapo cup wareegiisa 3aad ayado ey ka wada maqan dhowr laacib ow kamid yahay Kev, Stones, Bernardo iyo Mateo oo dhaawac ah iyo Rodri oo Red Card qaatey kulankii forest. 

kooxda ayaa la daali dhaceysa dhaawacyo badan ayado la ogyahay in ciyaar yahanada ka maqan ey wada yihiin muhiim laakiin pep iyo ciyaar yahanadiisa ey so bandhigeen in ey diyaar u yihiin u dagaalanka horyaalk PL. Inter Milan iyo Man City ayaa ah kooxaha aan ilaa hada laga badinin. Newcastle kulankeedi ugu danbeeyey ee sheffield united ayaa ku badisey 8 goal taas oo fariin culus u dirtey kooxda ey arabaca la ciyaareyso oo Man city ah.

kooxda Man city ayaa xaqiijisey in eysan racfaan ka qaadaneynin roosaha Rodri, Rodri ayaa ah ciyaar yaham aad muhiimugu ah kooxda qaab ciyaareedkeeda, waana lafdhabarka qadka dhexe balse Guardiola waa in uu xal u keena qadkas dhexe. 

Guardiola wareysigiisa ugu danbeeyey wuxuu cadeeyey in Mateo laga yaabo in uu so laabto kulankaan.


Supercomputer oo saadaal cusub ka sameeyey horyaalka Premier League ee Ingriiska...


Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib kulamadii lixaad ee la ciyaaray toddobaad, iyadoo dhamaadka usbuucanna ay kooxuhu isku diyaarinayaan tartanka Carabao Cup oo waqti horeba ay kooxaha qaarkood ka quusanayaan qaar ka mid ah tartamada maxalliga ah.

Manchester United iyo Chelsea ayaa mar kale ah kooxaha uu Supercomputer niyad-jabka ku riday, inkasta oo Red Devils ay usbuucan heshay saddex dhibcood oo ay si dhib badan kaga qaadatay Bunley oo nasiibku diiday.  Supercomputer ayaa saadaashiisa ku bineeya in 100,000 jeer uu wareejiyo xisaabaad uu adeegsado oo ku sallaysan natiijooyinka ay naadiyadu ka keeneen kulamadii hore, iyadoo sidoo kalena uu eegayo sida ay u ciyaareen iyo saansaantooda guuleed ee waqtigan.

Inkasta oo ay Burnley saddex dhibcood ka heleen, haddana Supercomputer waxa uu u sheegay Manchester United in ay kaalinta lixaad ku dhamaysan doonto xilli-ciyaareedkan oo ay ka maqnaan doonto tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa sidoo kale heshay saadaal ka nixinaysa kaddib laba ciyaarood oo ay min laba dhibcood lumiyeen, taas oo ay ugu dambaysay Tottenham oo ay Axaddii isku barbar-dhaceen garoonka Emirates Stadium.

Liverpool ayaa noqon doonta kooxda horyaalka kula tartamaysa Manchester City ama ugu soo dhowaanaysa, balse Jurgen Klopp ma awoodi doono in uu hanashada horyaalka ka joojiyo Pep Guardiola oo ay kooxdiisu markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonto.

Manchester City ayaa waxa afarta sare ku wehelin doona Liverpool oo booska labaad ka riixanaysa Arsenal oo saddexaad noqonaysa iyo Newcastle oo xasuuqii ay u geysatay Sheffield United ay sababayso inay kaalinta afraad ku dhamaystaan.

Saddexda kooxood ee Sheffield United, Luton iyo Burnley ayaa dib ugu noqon doona heerka labaad, sida ay sheegayso saadaasha Supercomputer, iyadoo liiska naadiyada ka dhacaya sallaanka Premier League laga saaray Everton oo ku jirtay saadaashii hore ee Supercomputer.

 Sawirka hoose ka muuqda ayaad kaga bogan kartaa.


 

 


WARBIXIN: Asabab Oo Ay Man City Horyaalka Ugu Garaaci Doonto Arsenal

WARBIXIN: Asabab Oo Ay Man City Horyaalka Ugu Garaaci Doonto Arsenal

Arsenal iyo Manchester City ayaa la filayaa inay ku tartamaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedka iyada oo Gunners haatan 5 dhibcood ka horayso kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.

Gunners ayaa hal kulan baaqi u haysata hadii ay kulankaas badiso waxa ay 8 dhibcood ka horayn doontaa Man City iyada oo haatan la galayo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Si kasta ha  ahaatee waxa lag yaabaa in ayna Riyada Taageerayasha Arsenal run noqon isla markaas ku fashilmi karto kooxdoodu ku guulaysiga horyaalka.

Hadaba warbxixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 sabab oo ay Man City horyaalka ugu garaaci karto Arsenal.

Cadaadiska waxa laga filayo Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaan bilowgii xilli ciyaareedka loo arkin koox u tartamaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan, laaiin waxa ay qabteen shaqo cajiib ah ilaa haatan.

Haatan maadama ay hogaanka u hayaan horyaalka xilli la galay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka waxana loo arkaa kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka.

 Man City Oo Aqoon U Leh Cadaadiska Tartanka Premier League:

Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League seddex ka mid ah afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay. Waxay la qabsadeen nooca cadaadiska ah ee la socda tartanka horyaalka sidaas darteed wax dhib ah kuma dareemi doonaan in ay iska xamilaan cadaadiska dhamaadka xilli ciyaareedka.

City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore iyagoo hal dhibic ka sareeya Liverpool. Waxay ku guuleysteen horyaalka isla sidaas oo kale xilli ciyaareedkii 2018/2019 xilli ay Man City garanayso sida loo badiyo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

 Arsenal Oo Caan Ku Ah In Ay Bur-Burto Qaybaha dambe Ee Xilli Ciyaareedka:

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Arsenal ugu cad-cadayd ku guulaysiga horyaalka premier League marka loo eego in ay xilli ciyaareedkii 2002/2003 8 dhibcood ku hogaaminaysay horyaalka kadib markii ay 2/0 uga badiyeen Charlton Athletic.

Laakiin Arsenal ayaa bur-burtay waxana ay horyaalka u wayday Man United, iyaga oo sidaas oo kale sameeyay xilli ciyaareedkii 2007/2008 markii ay Horyaalka lumiyeen inkasta oo ay hogaaminayeen 15 September ilaa 15 march.

Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii ay Arsenal si weyn ugu cad-cadayd in ay ku dhamaysato boosaska champions League iyaga oo 4 dhibcood ka horeeyay kooxda Tottenham

MAHADSANIDIIN 

 

Guardiola: De Bruyne waxa lagu bur burin kara qandaraaskiisa € 250m.




Ka dib markii uu saxiixay qandaraas lix sano ah oo uu kooxda Man City u saxiixay bishii Janaayo, xidiga reer Belgium ayaa sheegay in heshiiska uu kula jiro qandaraaskiisa uu aad u sareeyo


Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne uusan iib ahayn, waxaana uu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu heysto qandaraas lagu burburin karo 250 milyan oo euros (£ 223 / 292m).

De Bruyne ayaa ahaa xiddig kaalin weyn ka qaatay  rikoorada city ay sameesay xilli ciyaaredki hore ee Premier League.

City ayaa haatan waxaa ka maqan ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium sababo la xiriira dhaawac jilibka ah kaas oo lagu wado in De Bruyne uu garoomada ka maqnaado ilaa November.

Pep Guardiola ayaa ku adkeysaneysa inay qaadan karto lacag rikoorka adduunka ah oo ay ku iibineyso De Bruyne oo 27 jir ah, oo 27 sanno jir ah, isagoo saxiixay qandaraas lix sano ah horaantii sannadkan.

"Waa ciyaaryahan aad u fiican, waa ciyaaryahan aad uwanaagsan" ayuu Guardiola ku yiri wareysi uu siiyay Universo Valdano.

"[Leeds United boss] Marcelo Bielsa ayaa ii sheegay inuu ahaa ciyaaryahanka ugu jecel, wuxuu sameynayaa wax walba.

"Maalintii kale, waxaan la kulmay waalidkiis, waxaadna badanaa fahamsan tahay sida carruurtu u yihiin markaad ogtahay waalidiinta.

"Waa wiil cajiib ah, qandaraaska waxa lagu bur burin kara € 250m, waan ka xumahay, ma iibinayo."

Guardiola ayaa sidoo kale u sheegay Universo Valdano inuu doonayo inuu ku laabto Barcelona B, halkaas oo uu kuso bilaabay xirfadiisa tababarenimo ka hor inta uusan ka fariisanin.

47 jirkaan ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu sidoo kale doonayo inuu isku dayo inuu gacanta ku soo dhigo xul inu tababare u noqdo  hadii fursad u  helo.

"Haa, waxaan doonayaa inaan tababare u noqdo xul qaran haddii aan helayo fursada oo ay i doonayaan" ayuu Guardiola yiri. "Waxaan doonayaa inaan tijaabiyo, marwalba waan xiiseynayay."

Sida De Bruyne, Guardiola ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay City oo qandaraaska loo kordhinayo, tababaraha hore ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa la degay garoonka Etihad Stadium.

"Haa, waan cusbooneysiiyay, runtii waan ku faraxsanahay" ayuu hadalkiisa raaciyay. "Si fiican ayaan u difaacay, mana dareemayo in la igu xukumay, waxaan joogaa kooxda i xiiseyneysa."

Xaqiiqoyin ku saabsan kulanka u dhaxeeya City iyo Newscastle


Manchester ayaa guuldaro la'an ah 21 kulan u danbeesay ee wajahdo kooxda nwecastle United. Waana rikoorki ugu badna ee city koox ay halahaas guuldaro kaso gaarin waqti inta la eg.


Man City ayaa badisay sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay Newcastle


Man City ayaa badisay dhamaan 7dii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ciyaarto bisha September ayado Pep Guardiola tababare u yahay ,waxayna dhaliyeen 26 goal islamarkaana waxa laga dhaliyay kaliya 2 goal; Guardiola wax guul daro ah lama kulmin tartamada oo dhan  bisha September tan iyo marki uu joogey barca ee September 2010kii (Barcelona 0-2 Hercules) mana laga badinin 41 kulan tan iyo markaas 35 guul  D bar bardhac.


Sergio aguero ayaa dhaliyay 12goal 7 kulan uu ku ciyaaray garoonka Etihad 2018 premier league. Waxana la siman kooxda Chelsea oo 7 kulan garoonkeda ku dhalisay 12goal sanadkan lagu jiro ee 2018.


Newcastle ayaa dhameystirtay 247 baas labadii kulan ee Premier League ugu danbeesay  ee ay la ciyaareen Manchester City xilli ciyaareedkii hore - kaliya Huddersfield ayaa ka yar oo 2002 baas sameesay.


Weeraryahanka Man City Sergio Aguero ayaa dhaliyay 14 gool 11 kulan oo Premier League uu kahor imaaday Newcastle. Siddeed ka mid ah goolashaas wuxu dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaaraan iyaga oo ka hor imaanaya (5 bishii October 2015 iyo 3 bishii Janaayo 2018).

Warbixin Muhiiim ah

#Warbixin
Qaababka ey Man City u safan Karto ka dib dhaawacii KDB soo gaarey, sido la ogyahay KDB ayaa ahaa mid laf dhabar u ahaa guulihii ey Kooxda gaartey balse dhaawac intii kubad lagu jiro waa lama huraan, waana in Xal loo helaa, City ayaa heyso khad dhexe oo aad tayo u leh Pep ayaana isku dayi doona inuu xal waara u raadiyo booskaas, xagaagii lasoo dhaafey ayey ehee markii B.Mendy uu dhaawac so gaarey ayadoo bedel toos ah jirin balse Pep ayaa soo saarey Delph wuxuuna ka dhigey daafacyada xaga bidix ka ciyaara kuwooda ugu fiican, sidoo Zincheko ayaa asne la barey, Man City wexey heystaa Magic D.silva, B.silva oo aad u kacsan xagaagan, Gundagon, Mahrez oo ciyaari kara, Foden oo Chelsea ka yaabsadey sidoo fabian Delph.
#Qaabka ey u safan karaan

#1: 4-3-3 waa qaab Pep uu aaminsan yahay waqtigii uu ciyaar yahan ahaa iyo waa yihiisa Barca iyo Sidoo kale Bayer FC Bayern Munich, B.silva, fernandinho iyo D.silva ayaa wada ciyaari kara.

#2: 3-5-2 waa shaxdii xagaagi hore aan kusoo bilowney inta uusan dhaawacmin Mendy pep ayaa sheegey kulamdii saaxbtinimda in sanadkan ey isku dayi doonaan shaxda 3-5-2, 5 dhexe waa Mendy,D.silva,fernandinho,Gunda,Walker sidoo kale Jesus iyo aguero ayaa weerar wada ciyaari doona .

3: 4-2-2-2 waa shax macquul ah.
Delph iyo fernandinho ayaa bur buriye noqo  doona, halka Sterling iyo D.silva ey quudin doona 2 weerar ee Kooxda Jesus iyo Aguero.

Waa intaas  waadna ku mahadsn tihiiin.

Raheem Sterling waxaa lagu bartilmaameedsanayo oona lo midabtakoorayo waa wadanka uu kaso jeedo, ayuu yiri Ian Wright wariysi dheer uu ku difaacayo sterling






Sterling, oo ah 23-jir, ayaa wajahaya diidmo warbaahineed oo isdaba-joog ah, ugu dambeyntii oo loogu talagalay taatuuga qoriga ugu sawiran lugta, lakiin sidoo kale inuu iibsado dharka Primark iyo iibinta hooyadiis guri.

Waxaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkiisii ​​Koobkii Adduunka ee England ee Russia.

Waxaa jawab kulul ka bixiyay cunsurinimada lagula kacay sterling xidigi hore kooxda arsenal iyo xulka England Ian wrigth.

"Meeqa qof ayaa ku aragtaa dhaleeceynta Sterling?" Wright ayaa yiri.

"Dhaleeceynta kubada cagta waa wax kasta oo ay tahay in uu wax ka qabto, laakiin wixii uu ku guuleysto ma arkaan. wax kale oo kubada cagta ah ayay arkaan" ayuu yiri weeraryahankii hore ee xulka England Wright.

"Looma helin qashinka sababtoo ah sabab kasta ha ahaato dadka aan kor u qaadin jidadka qaldan, waxaan u maleynayaa inay jiraan arrimo ka dhan ah isaga.

"Waxaa jira waxyaabo ay dadku ku badan yihiin dhamaadka saxaafada oo doonaya in ay qofkaas hoos u dhigaan.

"Marka aad eegto mowjadda dhaleeceynta looso jeediyo , wa xaalad qadar ah oo cunsuriyad ah - maxaa kale oo ay noqon kartaa?

"Waxay ku soo qaadaan isaga sababtoo ah asalka uu ka yimid oo ay doonayaan inay hoos u dhigaan, dib u jiidaan, mana doonayaan inuu sii wado guusha.

"Dadku waxay yiraahdaan inaad ku ciyaareyso kaarka cunsuriyada, laakiin waxaad i siisaan sabab fiican sababtoo ah Raheem Sterling wuxuu helayaa calaamada uu ku helo kubada cagta."