Arsenal iyo Manchester City ayaa la filayaa inay ku tartamaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedka iyada oo Gunners haatan 5 dhibcood ka horayso kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.
Gunners ayaa hal kulan baaqi u haysata hadii ay kulankaas badiso waxa ay 8 dhibcood ka horayn doontaa Man City iyada oo haatan la galayo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.
Si kasta ha ahaatee waxa lag yaabaa in ayna Riyada Taageerayasha Arsenal run noqon isla markaas ku fashilmi karto kooxdoodu ku guulaysiga horyaalka.
Hadaba warbxixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 sabab oo ay Man City horyaalka ugu garaaci karto Arsenal.
Cadaadiska waxa laga filayo Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaan bilowgii xilli ciyaareedka loo arkin koox u tartamaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan, laaiin waxa ay qabteen shaqo cajiib ah ilaa haatan.
Haatan maadama ay hogaanka u hayaan horyaalka xilli la galay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka waxana loo arkaa kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka.
Man City Oo Aqoon U Leh Cadaadiska Tartanka Premier League:
Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League seddex ka mid ah afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay. Waxay la qabsadeen nooca cadaadiska ah ee la socda tartanka horyaalka sidaas darteed wax dhib ah kuma dareemi doonaan in ay iska xamilaan cadaadiska dhamaadka xilli ciyaareedka.
City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore iyagoo hal dhibic ka sareeya Liverpool. Waxay ku guuleysteen horyaalka isla sidaas oo kale xilli ciyaareedkii 2018/2019 xilli ay Man City garanayso sida loo badiyo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Arsenal Oo Caan Ku Ah In Ay Bur-Burto Qaybaha dambe Ee Xilli Ciyaareedka:
Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Arsenal ugu cad-cadayd ku guulaysiga horyaalka premier League marka loo eego in ay xilli ciyaareedkii 2002/2003 8 dhibcood ku hogaaminaysay horyaalka kadib markii ay 2/0 uga badiyeen Charlton Athletic.
Laakiin Arsenal ayaa bur-burtay waxana ay horyaalka u wayday Man United, iyaga oo sidaas oo kale sameeyay xilli ciyaareedkii 2007/2008 markii ay Horyaalka lumiyeen inkasta oo ay hogaaminayeen 15 September ilaa 15 march.
Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii ay Arsenal si weyn ugu cad-cadayd in ay ku dhamaysato boosaska champions League iyaga oo 4 dhibcood ka horeeyay kooxda Tottenham
MAHADSANIDIIN