1) City oo diidday dalabyada ka imanaya Madrid
Manchester City ayaa diidi doonta dalab kasta oo ay ka hesho Real Madrid oo ku aadan xiddigahooda, sida laga soo xigtay [Manchester Evening News].
Madrid ayaa lagu wadaa inay dib udhigto xilli ciyaareedka cusub, waxaana laga yaabaa inay dalab u dirto dhowr ciyaaryahan oo muhiim u ah City, sida Leroy Sane, Kevin De Bruyne, Raheem Sterling iyo John Stones.
Laakiin maamulka City ayaa qarka u saaran inay si adag ugu soo horjeestan arinkan islamarkaana Madrid u sheegaan in ciyaartoydooda xiddigaha aysan heli doonin qiimo kasta.
2) Pep Guardiola ayaa xiiseynaya daafaca reer Brazil Lucas Halter (17).
Daafaca dhexe ayaa noqon doona 18jir bisha soo aadan, waxaana horey loogu tixgeliyaa mid ka mid ah daafacyada da 'yarka ugu fiican Brazil. (Dailymail)
3) Man Utd oo kula dagaalameysa City saxiixa Jorginho
Manchester United ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Manchester City saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho, sida ay qortay [Mirror].
Horyaalka ayaa lasoo wariyay horaantii isbuucaan in City ay ku dhowdahay saxiixa xiddiga u dhashay Brazil, laakiin qaatay dhalashada italy ee jorginho United ayaa weli rajeyneysa inay Jorginho u soo bandhigto Old Trafford xilli ciyaareedka soo aadan.
Qiimaha lagu burburinkaro qandaraaska xidigan oo 26 sanno jir ah ayay u badan tahay inuu ku kacayo 50 milyan oo ginni.