Kubadda Cagta neefta ayey isku celin doontaa markii uu maanta Andriy Shevchenko soo saar saaro kubaddaha yar yare e lagu sameeyo qori tuurka iyada oo ay xaqiiq tahay in kooxo adag fooda isla gali doonaan.
Kooxaha haray waxaa ku jira shank u guuleystay Champions League oo ay Real Madrid hoggaamineyso taas oo qaaday 12 jeer, Bayern Munich, Barcelona iyo Liverpool waxa ay qaadeen min shan halka Juventus ay ruxday laba jeer.
Roma waxa ay gartay fiinaalaha sanadkii 1984, Manchester City afar dhammaadka halka Sevilla ay rubuc dhammaadka gaartay.
HOOS KA AQRI ISKU AADKA DHICI KARA…………….
Real Madrid v Barcelona
Shaki la’aan kani waa kulanka ugu soo jiidashada badan ee dhici kara. Laba kooxood ee reer Spai waxa ay ku gaareen rubuc dhammaadka Champions League soo garaaciddii Paris Saint – Germain iyo Chelsea.
Hal dhinac – Waa koox soo qaaday labadii Champions League ee u dambeeyey iyo Cristiano Ronaldo halka kan kale tahay kooxda hoggaamineysa La Liga iyo Lionel Messi.
Waa isku aad dareemada kicin doona laakiin Andres Iniesta waxa uu sheegay in uusan dooneyn hadda heerkan laga joogo tartanka – markii u dambeeysay ee ay is arkeen waxa uu ahaa 2011 oo ay Barca gudubtay.
Barcelona v Manchester City
Kani waxa uu noqon doonaa qori tuur foodda isu galin doona Pep Guardiola iyo kooxdii uu magaca ku sameeyey, Barcelona, isaga oo soo noqday tababaraha Bayern Munich wuu garanayaa waxa ay ka dhigan tahay ka horimaanshaha Barcelona. Markii uu Bayern joogay uma suurtagalin in uu Champions League ku guuleysto laakiin City hadda horyaalka maxaliga ah mid dhisan ayey u muuqataa.
Real Madrid v Manchester City
Haddii isku aadkan dhaco – Pep Guardiola waxa uu aadi doonaa Madrid xilli xiisadda siyaasadeed ee Catalonia kacsa tahay, Pep si xoog leh ayuu u taageereyey qaadiyadda Catalonia. Guardiola nassib wacan ma kala kulmin Real Madrid markii ay isku arkeen afar dhammaadkii 2014 waxaana lagu garaacay 5-0 isku darka goolasha labada lug.
Real Madrid v Bayern Munich
Labadan kooxood eek u xiffaaltama Europe waxa ay afar dhammaadka isku qabteen 2014, Real Madrid ayaa gudubtay xilli Ronaldo ahaa mid qaab ciyareedkiisu sarreeyey, laakiin garsoore Vikto Kassai ayaa lagu eedeeyey go’aanadiisii kulankii Bernabeu.
Barcelona v Juventus
Kani waxa uu noqon doonaa kulan ay qoorta isla galaan kooxo kala aarsaday, Barcelona oo uu hoggaaminayo Luis Enrique ayaa 2015 fiinaalihii uga qaaday Juve balse Bianconeri waxa ay aarsatay xilliciyaareedkii hore oo ay sideed dhammaadka ku reebtay.
Juventus v Liverpool
Kulankan waxa uu xusi doonaa masadii Heysel ee 1985 halkaas oo ay 35 taageere ku dhinteen kaddib xasarid ka dhex dhalatay tarbuunka. Juventus ayaa badisay kulankaas laakiin waxaa hareeyey wixii ka dhacay banaanka.
Real Madrid v Sevilla
Labada kooxood taariikh ay Europe isugu arkaan ayey leeyihiin. Europian Cup-kii 1958 ayey fooda isku dareen waxaana 8-0 ciyaartii Bernabeu ku badisay Real oo uu hoggaaminayo Alfredo Di Stefano, ciyaartii Andalusia bar bar0 2-2 ayey ku dhammaatay – sidoo kale waxa ay isku arkeen Europian Super Cup-yadii 2014 iyo 2016 waxaaa gacata sare yeelatay Real labada jeerba.
Barcelona v Sevilla
Labadan kooxood waxa ay ku ballansan yihiin fiinaalaha Copa del Rey ee sanadkan haddii loogu daro Champions League xiisaha ayuu kordhin doonaa – Barcelona waxa ay ka qaaday Sevilla Europian Super Cupkii 2015.