Shirkii jaraa'id ee tababare pep ka hor ciyaarta arbacada ee liverpool.



Pep Guardiola ayaa ku rajo weyn in Sergio Aguero uu u ciyaari karo kulanka Liverpool FC: "Waan arki doonaa, lakiin ma uusan tababarin, waxaan rajeyneynaa inuu ka fiican yahay sidi hore, waan arki doonaa xaaladahaasna waa maalin kasta, waxaan rajeynayaa inuu naga caawin karo. mana kuso  bilowan doono laakiin waxaa laga yaabaa inuu keydka kusoo bilowdo. "

sababtoo ah markaan waxaan sabtida u baxayna Manchester United, ka dibna waxaad lugtii labaad ee Liverpool isla isbuucas gudahiisa, waxaana laga yaabaa inaad bedesho nidaamka oo aad haysato lix weeraryahan si aad u guuleysato ciyaarta, waxaan u baahan doonaa Aguero iyo Gabriel [jesus] iyo Lukas Nmecha iyo Raz [Raheem Sterling] iyo qof walba.

"Sidaasi darteed ma ahan hal kulan, Liverpool waa 180 daqiiqo, waa inaad isku daydaa oo aad qaab ciyaareed fiican ku qaadataa lugta labaad."

Pep Guardiola: "Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Premier League, waan jeclahay Manchester City, waxaan ahay taageere FC Barcelona, ​​waan ku koray halkaas, wadnahaygu halkaa ayuu joogaa, lakiin haatan waxaan qeyb ka ahay kooxdaan, waan jeclahay inaan halkaan ka shaqeeyo."

Pep Guardiola oo ka hadlayay seddexda weeraryahan ee Liverpool FC: "Ma ahan kaliya Mohamed Salah, Sadio Mané iyo Roberto Firmino, seddexdooda oo dhan, waa ay ku dhow yihiin inaan la qaban karin, waa wax cajiib ah."

Share this

Related Posts