Pep Guardiola: "Sergio Aguero: "Ma aqaano haatan, waxaan leenahay tababarka galabta waxaanan dooneynaa inaan aragno xaaladiisa jireed".
Pep Guardiola: "Waxaan jeclaan laheyn inaan dareemno [jawiga], taageerayaasha ciyaartoyda sababtoo ah waa ay u qalmaan, waan difaacnaa calaamadda, kooxda sida ugu fiican ee suurtogalka ah, waxaan dareemeyna daal badan sababtoo ah United wey nasteen todobaadkii hore oo dhan, taasina waa sababta aad muhiim u ah waqtiyada xun ee ay dareemayaan in taageerayaasheena ay halkaas joogaan. "
Pep Guardiola: "Benjamin Mendy : "Wax walba waa wax aad u fiican, waa uu fiican yahay, si joogta ah ayuu tababar u qaataa."
Pep guardiola"Marka aad heysato seddex kulan weyn oo soo socota sida United, Liverpool iyo Tottenham, kaliya seddex maalmood oo u dhaxeysa kulamada, dabcan waa inaan aragnaa xaaladaha ciyaartoyda"
"Waxaan dooneynaa inaan tababarka qaadano, waxaana la hadli doonaa dhakhaatiirta, physios iyo ciyaartoyda, waxaana arki doonaa subaxnimda waxa kooxda ugu fiican.
"Dabcan, waxaan isku diyaarineynaa inaan ku guuleysano ciyaaraha, waxaan dooneynaa inaan xulano koox aan ku guuleysan karno, shaki kuma jiro taas".