Etihad Stadium ayaa marti galin doona mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan heer kooxeed, kadib marka ay kooxda Manchester United oo kaalinta labaad kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka Premier league ay marti u noqoto dhigeeda Manchester City oo booska koowaad fadhida,iyaga oo wada ciyaari doona kulanka 33-aad ee horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa kulankan iskeeni doonta iyadoo eeganeysa saddexda dhibcood isla markaana si rasmi ah loogu caleemo saari karo koobka horyaalka Premier League-ga markii 5-aad ee taariikhdeeda, halka Manchester United ay raadineyso in kulankan ay guul gaarto si walbo ay ahaato cabsi ay ka qabto in ay u weydo booskeeda kaalinta labaad kooxda Liverpool iyo xanuunka in koobka loogu dul dabaal dego.
Marka laga soo tago in shaki la galinayo in kulankan uu qeyb ka noqon doono Sergio Agüero, Manchester City ayaa sidoo kale waayi doonta adeega xidigeeda Benjamin Mendy halka sidoo kale la filayo in Guardiola uu nasib doono xidigo muhiim ah maadaama oo uu ka fikirayo kulanka lugta labaad ee UCL ee ay Liverpool la ciyaari doonaan.
Daley Blind ayaa dib ugu soo laabanaya United, halka Phil Jones, Marcos Rojo iyo Ander Herrera ay sidoo kale taam buuxa u yihiin ka qeyb qaadashada kulankankan adag.
Xaqiiqooyinka Kulankan:
* Manchester City ayaa markeeda 5-aad ku guuleysan karta koobka horyaalka dalka Engaland, hadii ay saddexda dhibcood kulankan ka qaadato kooxda Manchester United, wuxuuna noqonayaa koobkeedii saddexaad tan iyo markii tartankan loogu magac daray Premier League.
* Pep Guardiola wuxuu noqon karaa macalinkii seddexaad ee ku guuleysta Premier League, kadib markii uu kula soo wada guuleystay kooxihii uu soo leeliyay koobab, kadib Carlo Ancelotti iyo Jose Mourinho.
* Manchester United ayaan laga badinin labadii kulan ee ugu danbeysay oo ay kula soo ciyaartay Manchester City Etihad Stadium, iyadoo kulana guul gaartay kulana barbaro gashay, waxayna labada kulanba ka ilaashatay shabaqeeda.
* Manchester City ayaan guuldaro kala kulmin Etihad Stadium 27-kii kulan ee lasoo dhaafay horyaalka Premier League, waxay guul gaartay 22 kulan iyo 5 barbaro, halka sidoo kale 14-kii kulan ugu dambeesay ay guul wada gaartay.
* Kulankan ayaa ah kulankii 21-aad ay iska hor yimaadaan Jose Mourinho iyo Pep Guardiola. Macalinka reer Spain ee Pep ayaa badiyay 9 jeer 20-kii kulan ugu danbeysay, waana guuldarooyinkii ugu badnaa uu la kulmo Mourinho.
Xogta Kulanka:
Tartanka: Kulamada 33-aad ee horyaalka Premier League-ga.
Kulanka: Manchester City a Vs Manchester United
Garoonka: Etihad Stadium
Waqtiga: 7:30 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Halka Aad Ka Daawan Karto: Gool24.net ayaad si toos ah ciyaarta uga dawan kartaa
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:
Manchester City:
Manchester United: