Wakiilka laacibka khadka dhexe reer Belgian iyo kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa wuxuu shaaca ka qaaday qorshaha u xigi doona xidiga uu dalaalka ka yahay, kadib marka uu soo idlaado waayihiisa kooxda Sky Blues sanadaha soo aadan.
Kevin De Bruyne ayaa wuxuu dhawaan saxiixay heshiis cusub uu kusii joogi doono Etihad Stadium ilaa iyo sanada 2023, kaasoo uu ku qaadan doono isbuucii aduun dhan £ 300,000, laakiin Patrick De Koster oo ah wakiilka laacibka reer Belgian ayaa wuxuu daaha ka qaaday horyaalka uu doonayo in xidiga uu dalaalka ka yahay u dhaqaaqo kadib marka uu ka baxo kooxda Manchester City.
De Bruyne ayaa wuxuu haatan ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan ee macalinka reer Spain ee Pep Guardiola uu ku heysto Etihad Stadium, kadib markii uu xili ciyaareedkan dhaliyay 11 gool kadib 35 kulan uu kaga soo muuqday dhamaan tartamada kala duwan, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay Sky Blues in ay kaga hogaamiso dhanka kala sareynta horyaalka Premier League ee Manchester United ilaa iyo 16 dhibcood nadiif ah.
Patrick De Koster oo ah wakiilka De Bruyne ayaa wuxuu ugu horeen daaha ka rogay halka uu doonayo inuu u dhaqaaqo kadib marka uu soo idlaado waayihiisa kooxda Man City wuxuuna yidhi: “Waxaan filayaa in De Bruyne uu xirfadiisa kubada cagta kusoo xidhi doono horyaalka dalka Mareykanka, uma maleenayo inuu u dhaqaaqi doono dalka Belgian, wuxuu USA ku aaday fasax dhowr jeer, wuxuu si xoogan u xiiseeyaa waddanka iyo dhaqankiisa”.
Wakiilka laacibka reer Belgian ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Laakiin rabitaanka kaliya ee Kevin De Bruyne waa inuu sii joogo Manchester City, aad ayuu ugu faraxsan yahay heerarka kala duwan ee kooxda, gaar ahaan xili uu iibsaday guri ku dhowr Manchester, kasoo ay wali socoto dib u habeyntiisa”.