Kooxda heysata horyaalka Swiss ee Besel, oo haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka dalkeeda, ayaa wajaheysa tartan adag marka ay caawa la ciyareyso Manchester City.
Manchester City waxay si awood leh kaga soo baxday wareega group-yada Champions League, iyagoo 16 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa Premier League.
Sidaasi darteed, Pep Guardiola ayaa awood u leh inuu soo bandhigo mid kamid ah ciyaaraha ugu sareeya marka uu caawa usafrayo kooxda FC Basel.
Tababaraha reer Catalan ayaa kusoo daray safkiisa weerarka Sergio Aguero oo afar gool ka dhaliyey sabtidii kooxda Leicester City, iyadoo Gabriel Jesus uusan weli dhaawac kasoo laaban.
OGEYSIISKA CIYAAARTA
GAROONKA: St. Jakob Park
SAACADA: 10:45 PM
MAXAA KA CUSUB KOOXDA?
Gabriel Jesus oo ka dhaawacan jilibka, Benjamin Mendy iyo Leroy Sane oo labaduba dhaawacan ayaa seegi doona kulanka caawa.
David Silva ayaa sidoo kale shaki uu ku jiraa ka dib markii uu seegay kulankii Sabtidii kooxdiisa ka badisay Leicester.
Dib u soo noqoshada John Stones ayaa war wanaagsan u ah City, halka Phil Foden uu tababarka la qaatay ciyaartooyda Sky Blue.
XAQIIQADA LABADA KOOX
Kani waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah oo dhexmara kooxaha Basel iyo Manchester City.
Basel ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku wajahday kooxaha ka dhisan Ingiriiska tartanka Champions League.
Manchester City ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen wareega isreebreebka Champions League.
Weeraryahanka Basel Dimitri Oberlin ayaa dhaliyay afar gool shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu kasoo muuqday tartanka Champions League.
Raheem Sterling ayaa dhaliyay afar gool shan kulan oo uu ka ciyaaray Champions League xilli ciyaareedkan.
SAFKA MACQUULKA AH
Man City: Ederson; Walker, Laporte, Otamendi, Danilo; De Bruyne, Fernandinho, Gundogan; B. Silva, Aguero, Sterling.