Wararki ugu danbeeyo ee suuqa kala iibsiga ay city ka qoreen majaladaha.


Manchester City ayaa ugu cadcad inay la soo wareegto De Ligt

Manchester City ayaa lagu qiimeeyaa inay ugu cadcadahay inay lasoo saxiixato daafaca caalamiga ah ee reer Netherlands Matthijs de ligt, sida ay qortay [Mirror].

Kooxda ka dhisan Eredivisie ayaa ku qiimeyneysa daafaceda dhexe 50 milyan oo ginni, taasoo laga yaabo inay qiimeyn ku yeelato kooxaha kale ee Arsenal, Bayern Munich.

Dhamaan seddexda kooxood ayaa indhaha ku heyn doona inay daawadaan De Ligt marka Ajax ay wajaheyso PSV axada.


           Man City oo dooneysa Zaha

Crystal Palace xiddigeda Wilfried Zaha ayaa u muuqda mid diirada u saaran Manchester City, sida laga soo xigtay [TheSun].

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka iver cost zaha aya waxaa aad u xiiseynayao tababaraha rer spain Pep Guardiola kadib marki uu so bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan xilli ciyaareedkaan, waxaana lagu bur burin kara qandaraaskiisa 50 milyan oo ginni.

    
    Man City ayaa diirada saareysa Mbappe haddii PSG ay qasab ku tahay inay iska iibiso

Manchester City ayaa rajeyneysa inay lasoo saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaaro  kooxda psg Kylian Mbappe hadii ciqaab adag loo geysto Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay [Daily Mirror].

Haddii kooxda Ligue 1 ay la kulanto ganaaxyo ka mamnuucaya Champions League, waxaa la rumeysan yahay inay ku qasban yihiin inay iska iibiyaan ciyaartoyda.

City ayaa markaas rajeyneysa inay ku soo laabato Mbappe, iyagoo diirada saaraya inay ka fogaadaan Eden Hazard oo Chelsea ah.

Share this

Related Posts

Previous
Next Post »