"Waxaan jeclaan lahaa inaan dhaliyo goal" - Man City GK Ederson ayaa ku rajo weyn inu gool dhaliyo



Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa qaab cajiib ah soo bandhigay  xilli ciyaareedkaan, waxaana uu haatan qirtay inuu doonayo inuu shabaqa soo taabto.


Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu shabaqa soo taabto ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Etihad Stadium ayaa ku dhawaaqay magaciisa Ederson waxeyna rabeen inuu qaato rigoorada City intii ay socotay kulankii ay 5-0 kaga badiyeen Swansea City axadii, lkn Gabriel jesusu aya qaatay.

Laakiin goolhayaha ayaa si cad u qeexay inuu helo fursad kale todobaadyada soo aadan.

"Waxaan maqlay inay ku dhawaaqayeen magacayga taageeryasha, eena  iga codsanayeen  inaan rigoorada qaato, laakiin Gabriel ayaa qaatay," ayuu u sheegay ESPN. "Nasiib darro waa uu seegay Bernardo [Silva] dhaliyay, nasiib wanaag, goolal ayuu dhaliyay, laakiin hadii tababaraha i weydiisto inaan tuuro, waan hubaa inaan gool u badali laha.

"Ma hubo hadii aan awoodi doono inaan sameeyo wax goolal ah, lakiin waan ku riyaaqaa rigoorada, ama isticmaalaya awood ama farsamo markaan tuurayo" City ayaa heysta rigooradooda joogtada ah, waxaana heysanaa fursado fiican, lakiin haddii Pep uu i weydiisto inaan qaato, waan dhalinaya, waxaan rajeynayaa inay dhaceyso (ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka), waxaan jeclaan lahaa inaan dhaliyo. "

Ederson ayaa sidoo kale qiray markii ugu horeysay ee uu ka warqabo cadaadiskii isaga saarnaa ka dib markii uu xagaagii lasoo dhaafay lagu soo ibsaday lacag badan.

Ciyaaryahankii hore ee Benfica ayaa boos ka helay xulka Brazil ee Koobka Adduunka ka dib markii uu soo bandhigay xilli ciyaareedkiisa cajiibka ah wuxuuna sheegay inuu cadeeyay tayadiisa.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qaado horyaalka, sababtoo ah mar walba waxaan ku riyoodaa inaan ka ciyaaro Premier League, waxaan fursad u helay inaan rajeynayo sannadkan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

"Waxaan miisaan culus soo gaadhay sababtoo ah wareejintaydu aad ayay qaali u ahayd waxaana jiray shaki badan oo ku saabsan wargeysyada Ingiriisiga qaarkood, laakiin waxaan awooday inaan muujiyo qiimeeyda."

Share this

Related Posts