Waxaa la soo ciyaaray kulamada 30 aad ee horyaalka Premier League waxaana baaqi ka ah kulanka Manchester City iyo Stoke City oo kaliya. Waxaa kulamadii 30 aad ee la soo ciyaaray ka soo baxay xamaasad xoogan oo markale sare si wayn sare u sii qaaday xumada kaalmaha sare ee sida tooska ah loogu soo baxayo UEFA Champions League. Guuldaradii soo gaadhay Liverpool iyo guulihii ay gaadheen kooxaha Manchester United, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal ayaa wax badan badashay.
Aan marka hore si guud mar ah u sheegno sida loo kala sareeyo ee tartanka kaalmaha UEFA Champions League loogu soo baxayo iyada oo kulanka Manchester City aanu wax saamayn ah ku lahayn kaalmaha labaad ilaa afraad maadaama oo ay haddaba tahay kooxda loo sii doortay Championska England ee xili ciyaareedkan.
Manchester United ayaa talaabo wayn sare ugu qaaday in ay ilaashato kaalinta labaad ee Premier league kadib markii ay 2-1 ku garaacday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Liverpool waxayna guusha ay Red Devils gaadhay sabab u noqotay in ay 5 dhibcood ka sare martay Liverpool laakiin taas badalkeeda guushii ay Tottenham gaadhay ayaa kaalinta saddexaad soo galisay waxaana Liverpool loo riixay kaalinta afraad.
Tottenham ayaa afar dhibcood oo kaliya ka hoosaysa Manchester United iyada oo Red Devils 30 kulan ka soo heshay 65 dhibcood halka Tottenham ay 61 dhibcood ka soo urursatay 30 kii kulan ee ay ciyaartay waxaana kaalinta afraad 60 dhibcood ugu jirta Liverpool waxaana kaalinta shanaad 56 dhibcood ugu fadhida Chelsea halka Gunners ay kaalinta lixaad ugu jirto 48 dhibcood.
Haddii aan intaas ku soo dhaafno guudmarka dagaalka loogu jiro kaalmaha Champions League loogu soo baxayo ee sii xoogaystay waxay halkan shabakada Gool24.net idiinku soo bandhigaysaa xog faah faahsan oo la xidhiidha xogta guud ee xili ciyaareedkan laga soo ururiyay kooxaha iyo ciyaartoyda Premier League.
Haddaba waxaanu ku hormari doonaa xogta kooxaha iyada oo aanu ugu danbayn idiin soo tabin doono xogta ciyaartoyda Premier League laga ururiyay ee gaarka ah taas oo waxyaabo badan iskugu jirta. Xogtan qaabka aanu u soo dhignay ayaanu doonaynaa in qof kastaaba uu fahmi karo iyada oo aan sharaxaad dheeraad ah u baahan iyada oo wixii aad su’aalo ka qabtaan aad qaybta fariimaha nagula wadaagi kartaan insha Allah.
1-Tobanka Kooxood Ee Xili Ciyaareedkan Horyaalka Premier League Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay:
1- Man City ⇒ 83 Gool
2. Liverpool⇒ 68 Gool
3. Tottenham ⇒ 59 Gool
4.Man United ⇒ 58 Gool
5.Arsenal ⇒ 55 Gool
6.Chelsea ⇒52 Gool
7.Leicester ⇒ 45 Gool
8. Watford ⇒ 39 Gool
9. West Ham ⇒36 Gool
10. Bournemouth⇒ 35 Gool
2- Tobanka Kooxood Ee Xili Ciyaareedkan Horyaalka Premier League Kubbad Bixinta Ugu Badan Soo Sameeyay
1. Man City ⇒21,263 kubbad bixineed.
2.Arsenal ⇒18,758 kubbad bixineed.
3.Liverpool ⇒ 17,797 kubbad bixineed.
4. Tottenham ⇒17,278 kubbad bixineed.
5.Chelsea ⇒ 16,723 kubbad bixineed.
6.Man Utd ⇒ 15,357 kubbad bixineed.
7.Southampton ⇒ 14,300 kubbad bixineed.
8.Bournemouth ⇒12,617 kubbad bixineed.
9.Watford ⇒12,446 kubbad bixineed.
10.Swansea ⇒ 12,267 kubbad bixineed.
3- Tobanka Kooxood Ee Xili Ciyaareedkan Horyaalka Premier League Kulamada Ugu Badan Garoonka Shabaq Nadiif Ah Kala Baxay:
1. Man United ⇒15 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
2.Chelsea ⇒14 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
2.Man City ⇒14 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
2.Spurs ⇒14 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
5.Liverpool ⇒12 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
6.Burnley ⇒11 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
7.Arsenal ⇒10 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
8.Swansea ⇒9 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
9.Brighton ⇒8 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
9.Huddersfield ⇒8 Kulan oo Shabaq Nadiif Ah.
4- Tobanka Kooxood Ee Xili Ciyaareedkan Horyaalka Premier League Karoosyada Ugu Badan Sameeyay:
1. Tottenham ⇒676 Karoos
2. Southampton ⇒665 Karoos
3.West Brom ⇒629 Karoos
4.Huddersfield ⇒623 Karoos
5.Man Utd ⇒604 Karoos
5.West Ham ⇒604 Karoos
7.Liverpool ⇒603 Karoos
8.Crystal Palace ⇒601 Karoos
9.Chelsea ⇒598 Karoos
10.Watford ⇒574 Karoos
5- Kulankii Taageerayaasha Ugu Badani Garoonka Soo Fadhiisteen Iyo Kulankii Tirada Ugu Yari Ka Soo Xaadirtay:
a) Kulankii Taageerayaasha Ugu Badan Ka Soo Xaadireen:
Tottenham Vs Arsenal = 83,222 kun oo qof
b) Kulankii Taageerayaasha Ugu yari Ka Soo Xaadireen:
Bournemouth Vs Burnley = 10,302 kun oo qof
6- Kulamadii Goolasha Ugu Badan Lagu Soo dhaliyay Marti Iyo Minan iyo kulankii laba kooxood Goolasha Ugu Badan Iska Dhaliyeen:
a) Kooxdii Garoonkeeda Gooalsha Ugu Badan Guul Ku Gaadhay:
- Manchester City 7-2 Stoke City
b) Kooxdii Iyada Oo Marti Ah Goolasha Ugu Badan Guul Ku Gaadhay:
- Watford 0-6 Manchester City
c) Kulankii Laba Kooxood Wadarta Goolasha Ugu Badan Iska Dhaliyeen
- Manchester City vs Stoke City = 9 Gool
7- Kooxaha Guulihii & Guuldarooyinkii ugu Badnaa Oo Xidhiidh Ah Xili Ciyaareedkan Ku Soo qaatay Premier League:
a) Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee ugu Badnaa : Man City 18 guulood oo xidhiidh ah
b) Guuldaro La’aantii Ugu Badnayd Oo Xidhiidh Ah: Man City 22 kulan oo xidhidh ah
c) Guul darooyinkii xidhiidhka ahaa ee ugu badnayd : Crystal Palace 7 kulan oo guuldaro xidhiidh ah
d) Guul La’antii ugu badnayd Ee Xidhiidh Ah: West Brom 20 kulan oo guul la’aan xidhiidh ah.
Haddii aan intaas ku soo dhaafno xogta cajiibka ah ee ilaa hadda xili ciyaareedkan laga soo ururiyay kooxaha Premier league aan u soo degno xogta heerka ciyaartoy ee ilaa hadda laga ururiyay.
8- Tobanka Xidig Ee Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Premier League:
Haddii aan soo sharaxnay dagaalka kaalmaha sare ee Champions League loogu jiro waxaa markale muhiim ah in aan wax yar sharaxno dagaalka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League. Mohamed Salah ayaa helay fursad dahabi ah oo uu ugu guulaysan karo kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League iyada oo dhaawacyo soo gaadheen Harry Kane iyo Sergio Aguero.
Tottenham ayaa baadhitaano dheeraad ah ku samayn doonta Harry Kane oo uu dhaawac canqowga ahi ku soo gaadhay guushii Bourenouth waxaana la filayaa in uu seegayo inta xili ciyaareedkan ka hadhay iyada oo xulka qaranka England uu bilaabay in uu xaaladiisa koobka aduunka ka walwalo halka Sergio Aguero uu dhaawac jilibka ahi soo gaadhay inkasta oo aan wali la xaqiijin muddada uu maqnaan doono.
Sida ay hadda u taagan tahay Mohamed Salah iyo Harry Kane ayaa min 24 gool soo dhaliyay taas oo la micno ah in xidiga ree Masar uu haysto fursad ka wayn ciyaartoy kastaaba inta uu hadda haysto maadaama oo raggii ay sida tooska ah u tartamayeen Kane iyo Aguero ay dhaawacyo soo gaadheen inkasta oo la ogaan doono muddada saxda ah ee ay ku soo laaban karaan.
Haddaba halkan kaga bogo xidigaha ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay Premier League.
1- Mohamed Salah Liverpool 24
=Harry Kane Tottenham Hotspur 24
3 Sergio Agüero Manchester City 21
4 Raheem Sterling Manchester City 15
5 Jamie Vardy Leicester City 14
Romelu Lukaku Manchester United 14
7 Roberto Firmino Liverpool 13
8 Eden Hazard Chelsea 11
Glenn Murray Brighton & Hove Albion 11
10 Riyad Mahrez Leicester City 10
Son Heung-Min Tottenham Hotspur 10
9-Tobanka Ciyaartoy Ee Ilaa Hadda Gool Caawinta Ugu Badan Ka Soo Sameeyay Premier League:
1- Kevin De Bruyne ⇒ Manchester City = 14 Gool Caawineed.
2- Leroy Sané ⇒ Manchester City =11 Gool Caawineed.
3- Henrikh Mkhitaryan ⇒ Arsenal= 9 Gool Caawineed.
=David Silva ⇒ Manchester City =9 Gool Caawineed.
=Paul Pogba ⇒ Manchester United= 9 Gool Caawineed.
6 -Mohamed Salah ⇒ Liverpool= 8 Gool Caawineed.
=Mesut Özil ⇒ Arsenal = 8 Gool Caawineed.
=Riyad Mahrez ⇒ Leicester City= 8 Gool Caawineed.
=Pascal Groß ⇒ Brighton & Hove Albion= 8 Gool Caawineed.
=Dele Alli ⇒ Tottenham Hotspur 8 Gool Caawineed.
10- Tobanka Xidig Ee Xili Ciyaareedkan Kubbada Ugu Badan Ka Bixyay Horyaalka Premier League:
1. Nicolas Otamendi- Man City =2549 baas ama kubbad bixineed.
1. Nicolas Otamendi- Man City =2549 baas ama kubbad bixineed.
2. Granit Xhaka-Arsenal = 2,478 baas ama kubbad bixineed.
3.Fernandinho-Man City = 2,266 baas ama kubbad bixineed.
4.César Azpilicueta-Chelsea = 2,161 baas ama kubbad bixineed.
5.Kevin De Bruyne-Man City = 2,118 baas ama kubbad bixineed.
6.Nemanja Matic-Man Utd = 2,095 baas ama kubbad bixineed.
7.Kyle Walker-Man City = 2,041 baas ama kubbad bixineed.
8.Jan Vertonghen-Tottenham = 2,021 baas ama kubbad bixineed.
9.Eric Dier-Tottenham = 1,986 baas ama kubbad bixineed.
10.David Silva-Man City = 1,905 baas ama kubbad bixineed.
11- Tobanka Gool Haye Ee Xili Ciyaareedkan Horyaalka Premier League Ka Sameeyay Gool Badbaadinta Ugu Badan :
1.Lukasz Fabianski -Swansea City =106 Gool badbadineed.
2.Jack Butland-Stoke=102 Gool badbadineed.
3.Jordan Pickford-Everton=100 Gool badbadineed.
4.David de Gea-Man Utd=97 Gool badbadineed.
5.Mat Ryan-Brighton=92 Gool badbadineed.
6.Nick Pope-Burnley=89 Gool badbadineed.
7.Kasper Schmeichel-Leicester=87 Gool badbadineed.
8.Asmir Begovic-Bournemouth=85 Gool badbadineed.
9.Jonas Lössl-Huddersfield-80 Gool badbadineed.
10.Ben Foster-West Brom=79 Gool badbadineed.
DIYAARINTII: Mahamoud Batalaale(Copyright)