Kadib isku aadkii UEFA Champions league ee maanta la sameeyay waxaa ka soo baxay kulamo layaableh oo laga ciyaari doono England tobanka maalmood ee bisha April ugu horeeya. Marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah waxaa bilaami doona kulamo ay tahay in aad meel ku sii qoroto si aad jadwalkaaga shakhsiga ah ugu darsato.
Kooxaha Liverpool iyo Manchester City oo noqday labada kooxood ee ugu nasiibka xun siddeeda kooxood ee UEFA Champions League iskugu soo hadhay ayaa isku arki doona tartanka kooxaha Yurub markii ugu horaysay taariikhda laakiin waxaa raacsan kulamo kale oo ay tahay in la xuso.
Ugu horayn April 1 waxaa bisha lagu furi doonaa kulanka London Derby ee ay Chelsea soo dhawayn doonto kooxda Tottenham waana kulan si wayn saamayn ugu yeelan kara tartanka loogu jiro kaalmaha UEFA Champions League loogu soo baxayo.
Kadib April 3, waxaa Anfield isku haleeli doona Liverpool iyo Manchester City waana kulanka lugta kowaad ee sideed dhamaakda UEFA Champions League laakiin April 7 markale Manchester City ayaa soo dhawayn doonta kooxda ay dariska iyo colaada wayni ka dhexayso ee Manchester United.
Inta ay Manchester City ku mashquulsan tahay Man United waxay April 8 kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool geesaha isla gali doonaan isla kooxda ay iyaguna dariska yihiin isla markaana sida wayn u xifiltanaan ee Everton waana kulan kale oo xiiso gaar ah leh.
Marka la soo ciyaaro kulamada Manchester Derby iyo Merseyside Derby waxaa April 10 markale Etihad Stadium ku kala calaf qaadi doona Manchester City iyo Liverpool waana kulanka lugta labaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champions League.
Laakiin kooxda Guardiola ayaa ku sii jiri doonta xaalada waalida ah ee ay gali doonto waxayna April 14 booqan doontaa kooxda Tottenham waana kulan kale oo muhiim u ah labada kooxoodba haddii ayna Sky Blues koobka Premier league ku sii guulaysan ka hor waqtigan.
Halkan Kaga Bogo Kulamada Cajiibka Ah Ee Laga Ciyaari Doon England Horaanta Bisha April:
1 April
Chelsea vs Tottenham
3 April
Liverpool v Man City
7 April
Man City v Man United
8 April
Everton v Liverpool
10 April
Man City v Liverpool
14 April
Tottenham vs Man City 
Haddii ay Manchester City guulaysato kulanka Manchester Derby iyo kulamada ka horeeya waxay Tottenham la ciyaari doontaa iyada oo aanu kulankani muhiimad u lahayn oo koobka Premier League ku soo guulaysatay halka haddii kale uu ka mid yahay kulamada ay koobka ku qaadi karto.