Leroy Sane ayaa aaminsan in Manchester City ay fursad weyn u leedahay inay ku guuleysato Champions League xagaagan.
Leroy Sane ayaa kalsooni ku qaba inuu Man City ku soo laaban karo tartanka Champions League, iyadoo indhaha ku heysa seddexda koob ee ugu fiicneyd.
Leroy sane: "Sanadkan, waxaan nahay koox dhab ah, waxaan fahamsanahay falsafada Pep Guardiola, wax badan ayaa horumariyay, waan ognahay waxa uu doonayo" ayuu yiri ciyaryahanka rer Jarmalka sane.
"Champions League waa runtii tartan adag, kulan walba waa mid cajiib ah oo adag. Laakiin waxaan heysanaa fursad wanaagsan oo aan ugu imaano finalka, inaan ku guuleysano Champions League Laakiin way adkaan doontaa. '
Sane ayaa qadanaya xilli ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyey 12 gool isla markaana wuxuu caawiyay 15 caawinaad 38 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.