"Waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican ee aan la soo shaqeeyay iyo mid ka mid ah kuwa adduunka ugu fiican.
"Waxaan u maleynayaa in kubada Ingariiska aysan aheyn aqoonsiga waxa Sergio uu sameeyay, sababtoo ah wuxuu dhaliyay goolal xilli ciyaareed ka dib xilli ciyaareedkii - wuxuu quseynayaa Europe iyo kubada cagta caalamka, kuwaas oo dhamaantood ogaanaya waxa uu sameeyay.
"Waan ku faraxsanahay Sergio iyo wixii uu sameeyey ilaa iyo haatan. Waxa uu dhaliyay goolal iyo sida uu u shaqeeyo marka uu kubada heysto mana heysan kubada ayaa ah mid fantastik ah.
"Mararka qaar waxaan dalbanayaa isaga iyo kuwa kale, laakiin taasi waa sababtoo ah waxaan doonayaa inan noqo kuwa ugu fiican, waxaana qabaa inuu xitaa ka sii fiicnaan karo.
"Waxa uu ogyahay inuu u baahan yahay inuu si fiican u ciyaaro si uu u joogo kooxda - ma ahan kaliya Sergio, waa qof walba - sababtoo ah qaabka kaliya ee lo wajahi karo labo, seddex ama afar tartan waa sidaan oo kale.
"Weli waxaa jira seddex bilood oo kale xilli ciyaareedka si uu goolal badan u dhaliyo, waana hubaa inuu dhalinaayo."