WARBIXIN: Aguero Vs Mustafi, Aubameyang Vs Laporte Iyo Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Arsenal Iyo Man City.
Kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa markale geesaha iskula gali doona kulan Premier League ah kadib markii ay dhawaan Wembley Stadium ku wada ciyaareen finalkii League Cupka. Kooxda Guardiola ee Manchester City ayaa si sahlan dhulka ku dhigtay wiilasha tamarta liidata soo bandhigay ee Gunners, laakiin Arsene Wenger iyo kooxdiisa Gunners ayaa ku qasban in ay heerka fiican soo bandhigaan kulankii Wembley haddii ay doonayaan in ay murugadii finalkii League Cupka dhinac iskaga dhigaan.
Kubbada cagtu waxay ku siinaysaa fursad kale oo aad ku aarsan karto balse haddii aad awoodi waydo waxaad ka helaysaa murugo kale oo tii hore ka xanuun badan, waana waxa ay Arsenal lugtiida ku go’aansan karto kadib eedayn iyo ceeb wayn oo ka soo gaadhay finalkii League Cupka.
aakiin dhinaca kale waxa uu kulankani muhiimad khaas ah u leeyahay rajada yar ee ay Arsenal ka qabto haddii ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto xili ciyaareedkan iyada oo dhibco ay ku lumiso kulanka Man City uu sii muuq beelsiin doono rajadooda afarta sare.
Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa afar goobood oo dagaalka ku dhex mara ciyaartoyda Manchester City iyo Arsenal uu saamayn xoogan ku yeelan karo ciyaartan halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
1. Shkodran Mustafi vs Sergio Aguero:
Kani waa dagaalka ugu muhiimsan ee dhex mari doona laba xidig oo saamayn wayn ku yeelan kara kulankan maadaama oo Mustafi uu si buuxda ugu fashilmay kulankii finalkii League Cupka isla markaana uu Aguero si xun ugu ciqaabay xidiga ree Germany qaladaadkii uu sameeyay.
Haddii uu markale Mustafi soo celiyo bandhig la mid ah kii Wembley Stadium, waxaa hubaal ah in Aguero uu si sahlan dagaalka ugu guulaysan doono. Shkodran Mustafi ayaa si xun ugu fashilmay in uu joojiyo kubbad uu Bravo goolkiisa ka soo tuuray taas oo Aguero ka caawisay in uu ku dhaliyay goolkii furitaankii ee kulankii axadii.
Sergio Aguero ayaa dagaal ugu jira ku guulaysiga kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League isaga oo 21 gool soo dhaliyay xili ciyaareedkan, wuxuuna markale isku dayi doonaa in uu goolal kale ku darsado si uu u si baacsado Harry Kane iyo Mohamed Salah.
Sidaa daraadeed, goobta ugu muhiimsan ee kulanka Manchester City iyo Arsenal saamayn wayn ku yeelan karta ayaa ah bandhiga ay sameeyaan Mustafi iyo Aguero oo markale si toos ah isku wajihi doona.
2. Pierre-Emerick Aubameyang vs Aymeric Laporte:
Xidiga taariikhda Arsenal ugu qaalisan ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si buuxda ugu dhibtooday kulankii finalkii League Cupka wuxuuna dhaafi kari waayay Vincent Kompany iyo Nicolas Otamendi laakiin iyada oo la filayo in Laporte uu badali doono Kompany ayuu markale xidiga ree Gabon isku dayi doona in uu dib u saxo qaladkii uu sameeyay kulankii Wembley Stadium.
Aubameyang ayaa bilawgii kulankii finalkii League Cupka fursado fiican ka lumiyay Gunners laakiin xidigan 57 milyan giniga ku qiimaysan wadnaha difaaca Manchester City ku wajihi doona saxiixa cusub ee Aymeric Laporte oo laba kulan oo kaliya ku soo bilawday horyaalka Premier league kaas oo diyaar u ah in uu markale isku dayo sidii uu u aamusiin lahaa Aubameyang iyo xidigaha weerarka Gunners.
Aubameyang iyo Laporte midkii gacanta sare yeesha ayaa kooxdiisa waxtar fiican u samayn kara iyada oo waliba kulnkan si wayn wax looga sugayo Aubameyang oo kulankii League Cupka aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii lafa filayay.
3. Jack Wilshere vs Ilkay Gundogan:
Jack Wilshere ayaa ahaa xidigii Arsenal ugu fiicnaa kulankii ay guuldarada kala kulmeen Manchester City ee finalkii League Cupka isaga oo isku qabanayay laba shaqo oo difaacasho iyo hal abuur ah laakiin iyada oo Manchester City dhaawac ku wayday Fernandinho waxa uu Wilshere dagaal toos ah la gali doonaa xidiga bandhiga fiican samaynaya ee Ilkay Gundogan.
Ilkay Gundogan ayaa si cad u muujinaya sabbata uu Guardiola ula soo wareegay wuxuuna hadda si buuxda gadaal iskaga mariyay dhibaatooyinkii dhaawac ee bilawgii waayihiisa Etihad Stadium wax yeeleeyey, waxayna taas hadda ka siman yihiin Wilshere oo si aan hore loo arag kulankasta diyaar ugu ah isaga oo ka baxay xaaladii dhaawacyadii badnaa.
4. Hector Bellerin vs Leroy Sane/Raheem Sterling:
Hector Bellerin ayaan xili ciyaareedkan ku jirin xaaladiisii ugu fiicnayd, wuxuuna marar badan soo bandhigay qaab ciyaareed isku dhaf ah laakiin xidiga ree Spain ayaa u baahan doona in uu xaaladiisa ugu fiican ku jiro kulanka caawa haddii uu doonay in uu joojiyo Leroy Sane ama Raheem Sterling midkii uu Guardiola ku soo bilaabi doono garabka weerarka bidix.
Bellerin ayaa si toos ah uga hor iman kara Leroy Sane ama Sterling midkii uu Guardiola uu shaxdiisa ugu soo bilaabi doono garabka weerarka bidix waxayna noqon doontaa goob dagaal oo saamayn toos ah ciyaarta ku yeelan karta.
Marka laga yimaado xidigaha sida tooska ah uu dagaalku ugu dhex mari doono meelo muhiim ah oo ay Arsenal iyo Manchester City ku kala badin karaan waxaa sidoo kale kulankan saamayn toos ah ku yeelan kara hal abuurka Mesut Ozil , Kevin De Bruyne iyo David Silva.