Dareenka kubbada cagta aduunka ayaa markale ku soo jeedsan doona Etihad Stadium halkaas oo ay Manchester City ku soo dhawaynayso kooxda xili ciyaareedkii hore koobka Premier League ku soo guulaysatay ee Chelsea. Kooxda Antonio Conte ee Blues ayaa kulankan iskeenaysa iyada oo si wayn ugu baahan in ay guul soo gaadho si ay sare ugu soo qaado rajadeeda ah in ay ku dhamaysato afarta kaalmood ee sare ee sida tooska ah loogu soo baxayo UEFA Champions League.
Manchester City ayuu kulankani u yahay mid muhiim ah maadaama oo ay u baahan tahay shan guulood oo kaliya si ay u noqoto kooxda Championska England ee Chelsea kala wareegi doonto koobka Premier league. Guardiola ayaa ciyaartoyda kooxdiisa Manchester City ku cadaadinaya in ay halkooda ka sii wadaan dagaalka isla markaana ayna wax dhayalsi ah samayn.
Kadib markii ay Manchester City afar maalmood gudahood ay Arsenal ku soo garaaacday min 3-0 kulamadii finalkii League Cupka iyo kulankii Premier League ee Emirates Stadium, ayay kooxda Guardiola markale mari doontaa imtixaan adag balse kalsoonida iyo qaab ciyaareedka Sky Blues ayaa ah mid cabi ku abuuraya Chelsea.
Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa meelaha ay ku kala badin karaan kooxaha Manchester City iyo Chelsea ee kooxda awooda badan ku yeelataa ay saddexda dhibcood la hoyan karto. Inkasta oo 22 ka boos ee labada kooxood ay ku dagaalami doonaanba ay muhiim yihiin, haddana waxaa jira meelo si gaar ah isha loogu hayo.
1-Kevin De Bruyne v N’Golo Kante:
Marka laga hadlayo xidigaha khadka dhexe ee horyaalka Premier League ugu fiican waxaa safka hore soo galaya Kante iyo De Bruyne waxayna kulanka Etihad Stadium noqon doonaan kuwo saamayn toos ah ciyaarta ku yeelan kara.
Kevin De Bruyne ayaa ka mid ah xidigaha u sharaxan abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican isaga oo haddaba soo caawiyay 14 gool oo ay kooxdiisu Premier league ka soo dhalisay wuxuuna abuuray 86 fursadood oo goolal lagu dhalin karayay waana xidigaha ugu horeeya ee rekoodhkan gaadhay xili ciyaareedkan
2-Kyle Walker v Eden Hazard:
Goob kale oo ay Chelsea iyo Manchester City ku kala badin karaan ayaa ah waxa kala qabsan doona Eden Hazard iyo difaaca midig ee Manchester City ee Kyle Walker. Hazard ayaa sidii looga bartay ku soo bilaaban doona garabka bidix ee weerarka kooxdiisa, wuxuuna si toos ah uga hor iman doonaa xidiga xawaaraha dheer ku orda ee Walker kaas oo difaacasho iyo waliba weerar caawin isku darsaday
3-Bernardo Silva v Marcos Alonso:
Bernardo Silva ayaa si wayn uga faa’iidaystay maqnaanshihii Raheem Sterling wuxuuna markale diyaar u yahay in uu ku soo bilawdo shaxda Gaurdiola maadaama oo aanu Sterling taam buuxa ahayn iyada oo Bernardo Silva uu bandig cajiib ah ka sameeyay kulankii Emirates Stadium ee ay kooxdiisa City guusha wayn ka soo gaadhay Arsenal.
Laakiin Bernardo Silva oo garabka midig ee weerarka Manchester City ku soo bilaaban doona ayaa si toos ah uga hor iman doona Marcos Alonso oo difaaca bidix ee Chelsea ku soo bilaaban doona. Waxaa goobtan ka dhici kara dagaal si toos ah ciyaarta saamayn ugu yeelan kara maadaama oo uu Bernardo Silva leeyahay awooda uu kubbada ugu jiito lugta bidix ee uu khadka dhexe kula soo dhex galo taas oo Alonso cashar adag ku noqon doonta.
4-Dagaalka Brazil: Danilo v Willian:
Waxaa goobtan isku faro saari doona xidigaha ree Brazil ee Willian iyo Danilo oo kulamadii ugu danbeeyay ku soo jiray qaab ciyaareed cajiib ah. Willian ayaa kulamadii ugu danbeeyay ahaa xidiga Chelsea ugu fiican isaga oo si joogto ah goolal u soo dhalinayay halka Danilo uu bandhig wayn ka sameeyay labadii kulan ee ay Man City guusha ka soo gaadhay Arsenal gaar ahaan finalkii Carabao Cupka
Sergio Aguero v Andreas Christensen:
Khabirada iyo awooda weerar ee Sergio Aguero ayaa marwalba halis ku ah difaac kasta oo uu kaga hor yimaado Premier league ama Champions League, waxayna markale noqon doontaa imtixaan adag oo difaaca dhexe ee Chelsea ay ku mari doonaan Etihad Stadium.
Shaxda Macquulka ah :-
Manchester City XI: Ederson; Kayle Walker, John Stones, Nicolas Otamendi, Danilo; Ilkay Gundogan, David Silva; Bernardo Silva , Kevin De Bruyne, Leroy Sane; Sergio Aguero