"Waxa aan qabannay - dadku way is waydiinayaan kala duwanashaha xilli ciyaareedkan iyo xilliciyaareedkii hore? - laakiin ma ahan mid aad u weyn. Dabcan, waxaan soo iibsanay ciyaartoy badan oo naga caawiyey wax badan.
"Haddii aad dooneyso inaad ku tartanto si heerar sare ah dhamaan afarta kooxood, waxaad ogtahay inaad u baahan tahay ciyaartoy fiican.
"Ciyaartoyda wanaagsan waxay sameeyaan maamulayaal wanaagsan iyo naadiyo fiican. Waa isku mid England iyo Spain, kaliya waa inaad diirada saarto ciyaarta soo socota, ciyaarta soo socota, waana inaad horumarisaa qaab ciyaaredkada.
"Waa farxad inaan noqdo tababaraha ciyaartoyda aan heysto ma ahan kaliya maanta ama hal maalin, ama laba maalmood ama seddex maalmood, lix ama todoba bilood ayaa haatan ah kulan walba.
"Xitaa marki aan luminnay kulamo waxaan bixinay qaab ciyaareed aad u fiican.
"Ma ciyaareyno kaliya maanta - ciyaar kasta oo isku wan isku diyaarinayna mustaqbalka. Waxaan ku faraxsanaanay inaan badino Carabao Cup laakiin xitaa markaa, waxaad dhibaato ka haysataa xaaladaha qaarkood waana inaad ka hadashaa sida marka ay dhacdo mustaqbalka waxaa laga yaabaa inay ka caawiso saxitaanka.
"Taasi waa sababta ay u fiican tahay tababaraha sababtoo ah waa geedi socod aan weligiis aheyn sida had iyo jeer waxaad leedahay awood ad ku sameyso qeybaha kala duwan.
"Taasi waa sababta aad u haysato diirada iyo xamaasada ciyaartoyda, madaama ay ogyihiin inaan si wacan u shaqeyn karno, waana qaabka ugu fiican ee aan horumar u gaari laheyn xilli ciyaareedka soo socda."