Our Legend Walaaal Yaya Toure Taarikhdiisa.
-------------------------------------------------------------------------
Magaca:Gnégnéri Yaya Touré
Wuxuu dhashey:13 May 1983 (34jir )
Goobta dhalashada:Bouaké, Ivory Coast
Booska uu ka ciyaaro: khad dhexe.
* Yaya boosas kala duwan ayuu soo ciyaarey wuxuu jeclaa yaraantiisa inuu Striker noqdo, sidoo kale Daafac dhexe ayuu ciyaarey kulankii Fanlka Champion League ee Barcelona iyo Man United 2009, balse inta badan xirfadiisa kubada cagta wuxuu kusoo qaatey khadka dhexe waxaana loo arkaa mid kamid ah khad dhaxyadiii ugu fiicnaa ee aduunka soo maro, waxaa loo doortey 4 jeer oo xariirta ah Ciyaar yahanka Africa ugu ficaan(African Player of the Year) 2011,2012,2013,2014.
* Yaya xirfadiisa wuxu ka bilaabey koox dalkiisa hooyo ka dhisan oo la dhaho "ASEC Mimosas" asoo 18 jir ah taas aya keentey kooxo waa weyn in ey ka helaan qaab ciyaareedkiisa wuxuuna soo marey kooxahaan "Beveren, Metalurh Donetsk, Olympiacos and Monaco" inta uusan u wareegin kooxda Reer Catalonia ee Barcelona 2007 aduun gaaraya 9Million oo Euro ah wuxuuna u saftey 74 kulan asoo dhaliyey 4 goal Wuxuuna qeyb ka ahaa Markii Barca 6 koob ku guuleysaneysey waa Yihii qurxanaa ee Pep Guardiola, Yaya ayaa 2010 usoo qaxay Premier League(Man City) aduun lacageed gaaraya 30M oo Euro ah wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey 44 sano ka dib in ey hantaaan Premier League Wuxuuna u dhaliyey goalal muhiim u ahaa Kooxdeeena, 2011 FA Cup Semi finalkisa Bilaahi qofkan xasuusan ayaan xasuusinaa kulankaas Man United ayaan la leheen 1-0 ayey guusha nagu raacdey Yaya ayaa noo dhaliyey iyo Sidoo kale isla Finalkana Stoke ayaan ka hor nimi asaan dhaliyey goalka kaliya ayadoo ku dhamaatey 1-0
Xulkiisa 3 jeer(2006, 2010,2014)ayu world cup usoo saarey sidoo kale Cupka African Nations 6 jeer (2006,2008,2010,2012,2013,2015) aso guul u keeney asigoo kaptan u ah Wadankiisa 2015kii, wexey isku koox ka wada ciyaareen walaalkisa Kolo Toure kaas oo ey waqti iskula qaateen Manchister City, Boveren iyo Xulkiiisa.
*Waxaa la dhalatey Ibrahim Toure kaas oo dhintey 2014 iyo Kolo Toure
Yaya Waa Qof Muslim ah
Our Legends ayuu kamid yahay Wlaal Yaya Toure.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)