Manchester City ayaa ku guulaystay koobka League Cupka kadib markii ay Wembley Stadium ku dubatay kooxda Arsenal wuxuuna Guardiola markii ugu horaysay kooxdiisa City kula guulaystay koobkiisii ugu horeeyay ee waayihiisa tababaranimo ee England, laakiin waxaa hubaal ah in koobkani uu hordhac u yahay kuwo kale oo laga filayo in macalinka ree Spain uu keeni doono Etihad Stadium.
Guardiola ayaa laf dhuun gashay ku noqday Arsene Wenger oo markale murugo u joog u noqday finalka League Cupka waxayna City guushan ku gaadhay 3-0 iyada oo Sergio Aguero uu qaybtii hore dhaliyay goolka furitaanka balse markii qaybtii labaad lagu soo noqday Kompany ayaa Gunners dhulka sii dhigay halka David Silva uu goolka saddexaad ugu quus gooyay Gunners.
Arsene Wenger iyo Guardiola ayaa labaduba doonayay in ay markii ugu horaysay ku guulaystaan koobka League Cupka inkasta oo waqtiyo aad u kala fog ay England ka soo shaqeeyeen. Gunners oo aan koobkan ku guulaysan tan iyo markii uu Wenger la wareegay ayaa doonaysay in ay ka baxdo inkaarta finalado badan oo ay murugo la soo kulantay.
DAQIIQADII 18 AAD Manchester City ayaa wadnaha taabtay Arsene Wenger iyo kooxdiisa Arsenal kadib markii uu Serigo Aguero si layaableh kubbad uga dhex qaaday difaaca Gunners gaar ahaan Mustafi oo ku fashilmay in uu joojiyo kubbad caawin uu goolhaye Bravo u sameeyay Aguero, wuxuuna xidiga ree Argentina si qurux badan kubbada jaqaf ah uga dulqaday David Ospina si uu ciyaarta uga dhigo 1-0 ay City hogaanka kula wareegtay.
Waxa uu ahaa qalad fool xumo ah oo ay difaaca Arsenal ka sameeyeen kubbad uu goolhaye Bravo soo tuuray, wuxuuna goolkani ahaa goolkii 199 aad ee uu Aguero u soo dhaliyay Manchester City halka uu sidoo kale dhiliyay goolkiisii 30 aad ee xili ciyaareedkan ee tartamada oo dhan.
Intaa kadib waxay Arsenal isku dayday in ay ka soo kabsato goolka looga hormaray laakiin waxayna halis ugu jirtay in goolka labaad laga dhaliyo iyada oo Man City wali ahayd kooxda hal abuurka badan samaynaysay.
DAQIIQADII 26 AAD Arsene Wenger ayay qasab ku noqotay in uu xili horeba shaxdiisa isbadal ku sameeyo kadib markii uu Nacho Monreal awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato kadib markii ay jugi soo gaadhay waxaana kaydka laga soo kiciyay Kolašinac.
Xogta Wax Qabadkii Labada Kooxood Ee Qaybtii Hore Ee Ciyaarta:
Manchester City ayaa natiijo ahaan iyo wax qabadka guud ee qaybtii hore kaga saraysay Arsenal iyada oo kooxda Guardiola ahayd kooxda awooda sare lahayd balse Arsenal ayaa wali aan natiijada ciyaarta ka quusan maadaama oo hal gool oo kaliya hogaanka ciyaarta looga hayay.
Aan soo qaadano qiimaynta xogta qaybtii hore ee labada kooxood iyada oo Manchester City boqolkiiba 58% boosishanka ciyaarta lahayd halka Arsenal ay yeelatay boqolkiiba 42% ka soo hadhay waxayna City isku dhiibtay 286 baas halka Arsenal ay isdhaaftay 207 kubbad isku dhiibis.
Manchester City ayaa 5 darbo ku gantay goolka Arsenal iyada oo hal mar oo kaliya bartilmaameedsaday goolka Gunners kaas oo noqday goolka kaliya ee labada kooxood kala saarayay qaybtii hore laakiin Gunners oo 3 darbo ku tuurtay goolka City ayaa 2 jeer bartilaameed samaysay laakiin waxay awoodi waayeen in ay goolal u badalaan.
Si kastaba labada kooxood ayaan awoodin in ay wax goolal kale ah dhaliyaan laakiin Manchester City ayaa ku faraxsanayd in qaybtii hore ay la soo nasatay 1-0 ay hogaanka ciyaarta ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu markiiba Kompany helay fursad uu Manchester City goolka labaad ugu dhalin karayay laakiin waxa uu arkay fursadan oo uu lumiyay isla markaana uu kubbada dhinaca sare mariyay.
DAQIIQADII 52 AAD Guardiola ayaa la kulmay walwal wayn kadib markii uu dhawac xanuun badani soo gaadhay xidiga kooxdiisa halbawlaha u ah ee Fernandinho kaas oo ciyaarta dhaawac looga saaray waxaana kaydka laga soo kiciyay Bernardo Silva .
Difaaca Arsenal ayaa u muuqday mid si buuxda iskugu dhex yaacay iyaga oo Manchester City u samaynayay qaladaad waali ah isla markaana carruurnimo lagu tilmaami karo iyada oo Mustafi uu qaadanayay mid ka mid ah kulamadiisii ugu xumaa ee Arsenal.
DAQIIQADII 58 aad Kabtan Vincent Kompany oo hore u lumiyay fursad fiican ayaan markan wax qalad ah ka samayn kubbad caawin uu ka helay Ilkay Gundogan wuxuuna difaaca ree Belgium dhaliyay goolka labaad ee ay Arsenal musiibada xoogan ku sii dhex gashay isla markaana ay City awooda buuxda ku sii heshay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay City koobka League Cupka labada dhegood ugu sii qabsatay.
DAQIIQADII 65 AAD Manchester City ayaa hurdada u dirtay ciyaarta waxayna madaxa cawska Wembley Stadium u galisay kooxda uu Arsene Wenger ka doonayay in ay ka saaraan abaarta koobka League Cup la’aanta rubuc qarniga uu raadinayay kadib markii uu David Silva goolka saddexaad ugu qubeeyay Gunners isaga oo caawin ka helay Danilo waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay City ku xaaqayso Gunners.
Haddii aad qaladaad sidan oo kale ah u samayso Manchester City waxaa hubaal ah in aad marayso ciqaabteeda, waana waxa ku dhacay difaaca Arsenal ee shaadho miirtada u muuqday, waxayna markan City bilawday in ay ciyaarta ku damaashaado oo ay waliba goolal kale sii raadiso marka ay fursad abuuri karto.
Ciyaarta ayaa noqotay mid si buuxda looga kala calaf qaaday inkasta oo Gunners ay goolal raadinaysay xili xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen.Daiiqadii 77 aad Man City ayay waqti muhiim ah u ahayd waxaana garoomada dib ugu soo laabtay da’arka ree Brazil ee Gabriel Jesus kaas oo badalay Leroy Sane.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Manchester City ku dubatay Arsenal waxayna guushani sabab u noqotay in Guardiola uu koobkiisii ugu horeeyay ee ciida England uu Manchester City kula guulaystay iyada oo Gunners markale waji gabax kula kulantay finalka League Cupka waxaana halkiisa ka sii socon doona habaarka Wenger koobkan ka haysta.