"Shirka Jaraaid Ee Pep ka hor Finalka Carapo Cup"


Pep Guardiola: "Dhaawacyada, qof walba waa uu fiicanyahay, waan arki doonaa berrito, [Gabriel Ciise] wuxuu sameeyay tababarkii 3aad seddexaad shalay, maalin kasta waa uu fiicanyahay."

Pep guardiola: "Raheem Sterling wuxuu lahaa dhibaatooyin dhanka muruqa ah, tan iyo kulankii FC Basel 1893. Ma ogi inuu diyaar u noqon doono axada."

Pep Guardiola: "Waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysano horyaalka, ma ahan aniga aniga ahaan, waa kooxda, waxaan halkan u joognaa inaan ku guuleysano koobab, waxaan ku biireynaa seddexdaas, tallaabada ugu horeysa waa inaan soo gaarno finalka, waan joogna . "

Pep Guardiola: "Waxaan halkaan ku jirnaa [final] sababtoo ah Claudio Bravo, wuu u qalmaa inuu ciyaaro."

Pep guardiola: "Fikrad kama hayo VAR. Waa inaan arko oo aan ka fikiraa sida ay u shaqeyso. Waxaan marwalba u baahannahay fikrado cusub si aan kubada ugu qaadno jihada saxda ah. Anigu hadda fikrad ma haysto, waxaan u baahanahay waqti.

Pep Guardiola: "Waxaan ku leeyahay  xusuus fiican Wembley, waa garoon weyn, hadii aan badino waan ku farxi doonaa dabcan, laakiin sida ugu dhaqsaha badan ciyaarta ka dib waxaan diirada saari doona  ciyaarta xigta Arsenal ee Khamiista."



Share this

Related Posts

Previous
Next Post »