Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu qandaraaska u kordhiyo kaaso ku kici doona 20 milyan oo ginni ah ilaa laga gaaro 2021ka

Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Manchester City isagoo saxiixay qandaraas cusub oo muddo dheer ah


Tababarihii hore ee Barcelona ayaa ogolaaday qandaraaska lagu burburin karo 20 milyan ginni sannadkii, taasoo ka dhigeysa mushaharkiisi hore ina logu daro   3 milyan ginni.

Qandaraaskiisa haatan ee Guardiola ayaa la filayaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, lakiin waxa uu qalinka ku duugi doonaa warqad dheer si uu u sii joogo Etihad ilaa xagaaga 2021.


Tabaraha reer Spain ayaan wax hubin ah ka dhicin inuu sii joogi doono heshiis seddex sanno ah oo uu ku saxiixay sannadka 2016, laakiin wuxuu haatan doonayaa inuu sii wado mashruuca City.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa doonaya inuu ku guuleeysto koobkiisa ugu horeeya ka hor inta uusan qandaraas cusub cusbooneysiinin kooxda.

Share this

Related Posts

Previous
Next Post »