Macalinka reer Talyaani ee Antonio Conte ayaa shir jaraa’id uu qabtay kadib marka uu soo idlaaday kulankii adkaa ee u dhexeeyay kooxaha Chelsea iyo Manchester City, wuxuu kaga hadlay war naxdin ku noqon kara jamaahiirta kooxda Blues, kadib guuldaradii 1-0 ahayd ee kasoo gaadhay Sky Blues kulankii ka tirsanaa kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League-ka.
Antonio Conte ayaa kadib marka uu kulanka soo idlaaday ka hadlay guuldaradii ay kooxdiisa la kulantay wuxuuna ugu horeen yidhi: “Way adag tahay inaad la ciyaarto Manchester City, waxay ahayd nasiib daro in uu gool inaga dhasho qeybtii labaad ee ciyaarta, kaliya 30 ilbiriqsi ka dib”.
Antonio Conte oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi: “Qorshahaygu wuxuu ahaa inaan kahor istaagno sida ay boos ku heli lahayeen, sababtoo ah way garanayaan sida wanaagsan ee looga faa’ideysan karo, waxaa ku xiran maskax aad u wanaagsan xili ciyaareedkan”.
Conte oo ka hadlayay dhaleyceenta kaga timid qorsho difaaceedkiisa ayaa wuxuu yidhi: “Ma ihi nacas si aan u ciyaaro kubad furan, isla markaana aan kulanka ugu guuldareysto 3 ama 4 gool, tusaale ahaan Arsenal waxay fureen garoonka, waxayna bilaabaan inay ciyaaraan, kadib waxay guuldareysteen labada kulan”.
Macalinka kooxda Chelsea ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waa in aanaan ka murugoonin guuldarada maanta, waxaan nafsadeena ku eedeyneynaa guuldarooyinkii aan kala kulanay kooxaha Watford, Bournemouth iyo Man United, maanta waxaan la ciyaarnay koox aad u xoogan waxayna muujiyeen faraqa u dhexeeya anaga iyo iyaga”.
Cheslea ayaa hadda halis wayn ugu jirta in ay seegto kaalinta afraad oo ay Tottenham ku jirto waxayna kulanka soo socda booqan doontaa Camp Nou oo ay Barcelona kula ciayari doonto kulanka lugta labaad ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League iyada oo kulankii Stamford Bridge uu babraro 1-1 ah ku dhamaaday.