Pep Guardiola ayaa amaanay 'Ilkay Gundogan' ka dib markii labo jeer uu shaqanaqa soo taabtay

Pep Guardiola ayaa amaanay 'Ilkay Gundogan' ka dib markii labo jeer uu shaqanaqa soo taabtay ciyaaryahanka rer  Germany  uu ka caawiyay city  inay guul kuso gaaran garoonka  FC Basel.

Gundogan ayaa kala dhaliyay goolasha  12 daqiiqo iyo 53 daqiiqo, waxaana uu ku dhawaaday ugu yaraan labo jeer oo kale uu shabaqa gaaro.

Gundogan oo xili ciyaaredki hore inta badan dhaawac ku seegay waxa uu door weyn ka leeyahay qaab ciyaaredka fiican ee city xagaagan.

 Pep: "Gundo waa ciyaaryahan aan caadi ahayn. Xilli ciyaareedkii hore waan ku seegnay markii uu dhaawacmay. Ma ahan oo keliya goolashiisa, shakhsiyadiisa inuu ciyaaro, wuxuu ahaa mid fantastik ah. Waan ku faraxsanahay isaga. "

"Sida aynu ku sheegnay bilawgii xili ciyaaredka , waxaan isku daynaa inaan guuleysano kulanba kulanka xiga ."

Share this

Related Posts

Previous
Next Post »